IsbarIsbar oo Kabo

Isbar oo Kabo

Hal Fikrad Markiiba !

Cidna ha sugin—adiga isbar, aqoontaada kab, noloshaadana beddel.

Waxbarashadu kuma koobna fasal, macallin iyo shahaado. Maanta, internetka, kombiyuutarka iyo xogta faraha badan waxay qof kasta siinayaan fursad uu naftiisa wax ku baro—meel kasta iyo goor kasta.

Isbar oo Kabo waa buug si tartiib ah uga dhalanaya qormooyin joogto ah oo aan halkan ku daabaci doono. Waxaan kula wadaagi doonaa waayo-aragnimadayda, hababka, qorshayaasha, xeeladaha iyo casharrada iga caawiyey inaan isbaro inta badan waxa aan maanta aqaan. Waxa aynu sahamin doonaa sida loo bilaabo, loo joogteeyo, looga gudbo caqabadaha, loogana miro-dhaliyo isbaridda—xitaa marka dugsiga, jaamacadda ama nidaamka waxbarashadu liito ama gaabinaayo.

Halkani ma noqon doonto meel cabasho lagu soo gudbiyo; waa meel kartidaada lagu baraarujiyo.

Bilow maanta. Isbar, dabadeedna wixii kaa dhiman kabo.

Riyada Buugga

Isbar oo Kabo — buugga la riyoodayo

Buuggan sawirani weli waa riyo—waa muuqaal hordhac ah oo muujinaya waxa uu buuggani noqon doono marka qormooyinkan la isu geeyo. Qormo qormo ayaan ugu sii dhowaanaynaa.

Fikradaha la Daabacay

Wali fikrad lama daabacan — soo noqo dhawaan.